News »» BBCSomali.com | Wararka | Somali News index
Waxa Khamiistii Washington lagu dhaariyey xubnaha cusub ee Kongareska Mareykanka oo uu ku jiro mudanihii ugu horeeyey ee Muslim ah ee ku biira Kongareska Mareykanka.
Masuuliinta waddanka Kenya ayaa masaafiriyey Soomaali qaxooti ah oo tiradoodu gaareyso 420 qof oo dagaaladu soo barakiciyeen; xuduudda ayaan lagu celiyey.
Nouri al-Maliki ayaa qeexey inuusan jecleyn inuu ahaado Ra'iisalwasaaraha Ciraaq, uuna door bidayo inuu shaqada ka tago inta uusan dhammaan xalliga loo qabtey.
Madexweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Cabdulahi Yusuf Axmed ayaa Nairobo kula kulmey Madexweynaha waddanka Kenya iyo diblomaasiyiin kala duwan.
Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf, ayaa tagay magaalada Mombasa, halkaas oo la filayo in uu wada hadal kula yeesho madaxweyne Mwai Kibaki.
Maamul Goboleedka Puntland ayaa si rasmi ah Isniintii (20kii Nov. 06) ugu dhawaaqey in deegaanada uu ka taliyo maamulkoodu laga dhaqan galinayo shareecada islaamka.
Qasaarooyin naf iyo maal leh, ayaa daadadku u gaysteen deegaano ka tirsan Gobolka Geddo, Baardheere iyo gobolada Hiiraan, Shabeelaha Hoose iyo Dhexe.
Magaalada Beit Hanoun ee ku taal Woqooyiga Gaza ayaa lagu aasey 18 qof oo Falastiiniyiin ah oo shicib reyd ah oo madfac laga soo gamey Israel uu diley.
Cabsi ay ka qabaan in la karbaasho ama madaxa laga xiiro ayeey dirawaladii baabuurta caasimadda Muqdisho ay bilaabeen iney qunyra u wadaan baabuurta.
Dowladda Mareykanka ayaa digniin siisey muwaadiniinteeda jooga Geeska Afrika oo looga digayo cabsi ka jirta weerar ka imaan kara Soomaalida xag jirka ah.
Rabshadaha ka sii darsanaya Ciraaq ka sokow, safiirka Mareykanka u jooga Baqdaad ayaa Talaadadii sheegey iney suurtoobeyso in Ciraaq nabad iyo xasilooni laga dhaliyo.
Waddamada adduunka ugu awoodda weyn ayaa qarka u saaran iney isku raacaan qaraar ka jawaabaya Nukliyarkii ay Korea-da Woqooyi tijaabisey.
Cabsida iyo walaac laga qabo in dagaal ka dhaco meelo ay ka mid tahey Buur Haklaba, ayaa dhalisey in Soomaali badan ay qaxooti ahaan u galaan dalka Kenya.
Booliska dowladda Ciraaq ayaa sheegey iney gudaha iyo agagaarka magaalada caasimadda - Baqdaad ka soo urursheen 60 qof meydkood oo dhammaantood rag ah.
Xoghayaha Arimha Dibadda ee Mareykanka, Dr Condoleezza Rice ayaa khudbad ay Arbacadii (27kii Sep 06) jeedisey, digniin culus ugu dirtey dowladda Sudan.
Militariga Mareykanka ayaa sheegey in ciidanka Mareykanka iyo kuwa Ciraaq ay magaalada Diwaniya ku dileen 30 ruux oo lagu tuhmey iney ahaayeen Shica mitid ah.
Mareykanka iyo Midowga Yurub ay heshiis ku gaarey habkii ay u wadaagi lahaayeen xogta dadka raaca dayuuradaha u kala socda Mareykan iyo Yurub
Munaasabad lagu qabtey xaruntii hore ee Madextooyada ee Muqdisho ayaa Maxaakiinta Islaamku kaga dhawaaqdey Garsoorkii Gobolka Banaadir.
Ra'iisalwasaaraha Ciraaq, ayaa dadweynihiisa ku booriyey iney bisha barakeysan ee Ramadan u isticmaalaan wakhti ay isku cafiyaan ooy midoobaan.
Boqollaal kun oo qof ayaa maanta iskugu soo baxey bartamaha Beirut, si ay uga qey galaan damaashaad ay Xisbullah ku sheegatey guul ay Israel ka soo hooysey.