News »» BBCSomali.com | Wararka | Somali News index
Maxamed Saleebaan Barre oo muddo 7 sanadood ah ah ku xirnaa Guantanamo, ayaa oogay dacwo uu doonayo in lagu sii daayo, sida eey qareennadiisu sheegeen.
Qof dumar ah ayaa ku dhimatay, mid kalena si halis ah ayay ugu dhaawacantay, kadib markii uu qarax weyn saaka ka dhacay Magaalada Beledweyne gudaheeda.
Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal lagu riday dhinaca garoonka Muqdisho, xilli uu halkaasi ka soo degayay Madaxweynaha Somalia Cabdullaahi Yusuf.
Kooxo hubeysan ayaa Arbacadii toogasho ku dilay ganacsade C/kariim Sh. Ibrahim. Dilkiisu wuxuu qayb ka yahay dilal qorsheysan oo lala beegsanayo dadka wax ku oolka ah ee Muqdisho.
Kooxaha ka soo horjeeda dowladda Somalia ayaa weerar ku qaaday ciidamo Ethiopian ah oo marayay deegaanka Jawiil oo u dhaw magaalada Beledweyne.
Isbitaallada Muqdisho ayaa waxay la ciirciirayaan dhaawacyada dadka rayidka ah. 19 qof oo ay carruuri ku jirto ayaa la geeyey Isbitaalka Madiina ee Muqdisho.
Ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, saddex kamid ahna ay carruur yihiin, ayaa inta la og yahay waxay ku dhinteen dagaal lagu hoobtay ee ka dhacay magaalada Muqdisho.
Magaalada Guri Ceel ee gobolka Galguduud waxaa ka socda barakac xoog leh kaddib markii halkaasi ay shalay gaareen ciidamo Ethiopian oo aad u hubaysan.
Mas'uuliyiinta booliiska gobolka
Banaadir ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lagu dilay 9 askari oo ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu weeraray saldhiga Deyniile.
Abdiqaasin Salaad, madexweynihii hore ee Somalia ayaa ka hadla xaalada wadanka mar mar dhif ah.
Safiirka Djibouti u fadhiya QM, Rooble Colhaye, ayaa BBC-da uga waramay Golaha Ammaanka ee uu guddi xaqiiqo raadis ah ugu diray xadka Djibouti iyo Eritrea.
Afhayeenka AU, ayaa sheegay in loo baahnaa in AU uu ciidamo xoog leh dhulka ku heysto, arrintaas oo in muddo ahba caqbad ku aheyd meel marinta waajibaadkooda.
Warar ku dhow Somaliland, ayaa weriyaha BBC-da ee magaalada Hargeysa u xaqiijiyay in niman burcad badeed Soomaaliyeed ahi ay soo af duubeen doonni yar.
Hey'adda Q.M ee qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in ay ka fiirsanayso howlaha ay Somalia ka wado kadib markii madaxii howlgalada ee hay'addaasi la afduubay.
Beesha caalamku waa inay u hiillisaa dhinacyadii Soomaalida ee heshiiska dhawaan ku saxiixay waddanka Djibouti, sidaas waxaa yiri Axmed Walad Cabdalla.
Wakaaladda Mareykanka ah ee USAID ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaallada, abaaraha iyo sicir-bararku ay uga sii dareen xaaladda bani'aadannimo.
Maalin kaddib markii dagaallo khasaaro badan geystay ay ka dhaceen Muqdisho, ayaa degganaansho la dareemay maanta. Laakiin dhowr madfac ayaa ku habsaday isbitaalka SOS ee degmada Huriwaa.
Ugu yaraan afar qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday, 12 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal culus oo fiidkii xalay ka qarxay isgoysyada Florene iyo Xararyaale, degmada Wardhiigleey ee Muqdisho.
Iyadoo maanta la xusayo maalinta carruurta qaaradda Africa, ayaa waxa ay dhibaatooyin caafimaad darro ay heystaan kumanyaal carruur ah oo ku nool Somalia.
) si bogga aad doonayso kor ama hoos ugu jiido (drag & drop)