Bogag kale oo soo socda..

News »» BBCSomali.com | Wararka | Somali News index

Dhegeyso wararka BBC-da
11:00, 14:00, 18:00
18 saac kahor kalfadhi golaha baarlamaanka oo dib loo dhigay

Kalfadhi uu baarlamaanku uga arrinsan lahaa is-afgaradkii ay Ethiopia ku gaareen madaxda DKMG ayaa la baajiyey iyadoo ay jirto xasaasiyad la xiriirta wasiirradii is-casilay ee DKMG

ka sii akhriso bbc.co.uk 
19 saac kahor maamul loo dhisay magaalada kismaayo

Kooxihii Islaamiyiinta ahaa ee dhawaan qabsaday Kismaayo ayaa Sabtidii ku dhawaaqay maamul heer degmo ah oo ay ku mideysan yihiin dhinacyada ka wada tirsan Islaamiyiinta.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
shalay macluul soo food-saartay carruurta geeska africa

UNICEF ayaa sheegtay in ku dhawaad 3 milyan oo carruur ah oo ku sugan Geeska Africa ay halis ugu jiraan geeri ka dhalata masiibooyin isugu jira abaaro, colaado & kuwa kale.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
shalay cudurka autism iyo somalida minnesota

Cudur saameeya korriinka carruurta oo lagu magacaabo Autism, ayaa aad ugu baahay carruurta Somalida ee ku nool Minnesota, taas oo walaac badan ku abuurtay waalidiinta.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
2 maalm. kahor bayaan ka soo baxay golaha ammaanka qm

Golaha Ammaanka ee QM, ayaa soo dhoweeyay heshiiska soomalida ay saxiixeen, waxeyna ka dalbadeen in ay si buuxda u meelmariyaan dhinacyadu.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
2 maalm. kahor ciidamada ethiopia oo la weeraray

Ilaa laba dagaalyahan oo ka tirsan Islaamiyiinta iyo tiro aan la aqoon oo ciidamada Ethiopia ah, ayaa ku dhintay dagaal ka dhacay meel 2 km u jirta degmada Bardaale.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
2 maalm. kahor dad ku dhintay roob shabeelaha hoose

Ilaa 8 qof oo u badan carruur, ayaa ku geeriyooday dhibaatooyin ka dhashay roobab 48-kii saacadood ee u dambeeyay ka da'ay gobolka Shabeelha Hoose.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
4 maalm. kahor dooni dalxiisayaal wadda oo la afduubay

Dooni kuwa dalxiiska ah oo laga leeyahay France, ayna la socdaan dalxiisayaal aan la hubin tiradooda ayaa laga afduubay gacanka Cadmeed. Xeebaha Eyl ayaa loo watay.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
4 maalm. kahor dowladda oo ka hadashay kismaayo

Wasiirka dib u heshiisiinta, Cabdirisaaq Ashkir, ayaa sheegay in dowladdu ay ku howlan tahay dib u qabsashada magaalada Kismaayo ee Jubadda Hoose.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
5 maalm. kahor john holmes oo booqanaya gobolka soomaalida

Sarkaalka ugu sareeya hawlaha bini'aadanimada ee QM John Holmes oo booqasho ku jooga Ethiopia ayaa wuxuu sheegay in xaaladda abaartu ay tahay mid aad u liidata.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
5 maalm. kahor 10 doonyood oo tahriib uga baxay boosaaso

Labadii habeen ee la soo dhaafay ayaa xeebaha Boosaaso waxa ka dhoofay 10 doonyood oo ay la socdaan dad ka badan 500 oo qof oo u tahriibay xeebaha Yemen.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
5 maalm. kahor xukuumadda oo aqlabiyad loogu codeeyey

Baarlamaanka KMG ah ee Somalia, ayaa maanta fadhi uu yeeshay waxa uu cod aqlabiyad ah ku siiyay kalsooni dowladda Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
5 maalm. kahor indhacadde: lug kuma lihi falal burcad badeed

Yusuf Indhacadde ayaa iska fogeeyey inuu ku lug leeyahay burcadda dilootay xeebaha ku teedsan Somalia. Wuxuu eeda saaray madaxda Puntland, oo uu sheegay inay ka taajireen.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
5 maalm. kahor xaaladda isbitaalka sos oo liidata

Dagaallada ka socda Muqdisho ayaa khasaare lixaad leh u geystay isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee SOS, kaas oo ku yaalla xaafadda Huriwaa Waa sidee xaalka isbitaalka?

ka sii akhriso bbc.co.uk 
6 maalm. kahor ganacsato lagu dilay suuq bacaad

Shan ruux oo saddex kamida ay ka tirsanaayeen shirkadda Wiif ayaa Sabtidii lagu dilay Suuq Bacaad. Nin ku labisnaa dareyska ciidanka DKMG ayaa toogtay ganacsatadaas.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
wiigi hore baarlamaanka oo buuq uu ka dhashay

Xubnaha Baarlamaanka KMG Somalia ayaa maanta fadhi uu buuq ka dhashay waxa ay ku yeesheen Magaalda Baydhabo, ee xaruunta u ah baarlamaanka Somalia.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
wiigi hore ka bixista ciidamada ethiopia ee somalia

Ra'iisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay in ciidamadiisa uu kala baxo Somalia, xitaa dowladda KMG haddii ay sal-dhigan weyso.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
wiigi hore madaxda dkmg oo baydhabo gaaray

Madaxweynaha dowladda KMG ah, C/llahi Yusuf & R/Wasaare Nuur Cadde ayaa ku laabtay magaalada Baydhabo, waxana si diirran usoo dhaweeyey xildhibaanno iyo wasiirro.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
wiigi hore madaxii hey'adda unhcr oo la sii daayay

Madaxa xafiiska hey'adda qaxootiga u qaabilsan QM ee UNHCR Muqdisho, Xasan Maxamed Cali ayaa la sii daayay kadib markii ay afduubeen koox dabley ah.

ka sii akhriso bbc.co.uk 
wiigi hore wiil uu dhalay xildhibaan oo weerar lagu dilay

Garneyl lala beegsaday guri ay Baydhabo ka deggan yihiin mudanayaal ka tirsan Golaha Baarlamaanka ayaa lagu dilay laba wiil oo mid uu dhalay Xil. Maxamed Xuseen Raage.

ka sii akhriso bbc.co.uk 

Boggan dhismaa ku socda weli.. 10/10/2006